Laamaha Amniga Puntland,ayaa fashiliyay qaraxyo waa weyn oo ay diyaarisay argagixisada, kaas oo la dhigay degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari.
War kooban oo uu baahiyay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari,ayaa lagu sheegay in ku guuleysteen fashilinta qaraxa, kadib markii ay gacan ka heleen shacabka Balli-dhidhin.
“Cidanka amaanka iyo Dadka Deegaanka Degmada Balidhidin oo is Garab Sanaya,ayaa Fashilyey Qaraxyo waawayn oo loogu talagalay in wax Lagu yelayo Bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Degmada Balidhidin.”
Argagixisada oo ku Aasaysa Wadada udhaxaysa Xerada Ciidamada iyo Magaalada Balidhidhin,ayaa laga hor tagay.
Inkastoo argagixisada falka fulinaysay oo gaaraysay 5-Xubnood aan khasaare la gaarsiin oo ay baxsadeen hadana,waxaa laga soo saaray Wadada Labo Qarax oo ay Aasayeen. pic.twitter.com/xOu1E2tICj
— Jibril Qoobey (@JibrilQoobey) February 17, 2023
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.