Sawirro: Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe.

Waftiga Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir. Guddoonka Golaha Wakiillada Puntland, Xildhibaano, xubno katirsan Xukuumadda iyo shacab ayaa zoo dhaweeyay.

Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur oo ay weheliyaan labadiisa Guddoomiye kuxigeenka, ayaa maalmo ku sugnaan doona Garoowe, isagoo kulamo la qaadan doona Guddoonka Baarlamaanka Puntland iyo Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading