Sawirro: Khasaare ka dhashay Howlgallo ka socda Garoowe

Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland ayaa Qaaday dhismayaal si sharci daro ah Looga dhistay Afaafka hore ee Wakaaladda Biyaha ee Baasawayn.

Maamulka Degmada Garoowe ayaa dhowaan ku war-geliyay Dadka ku hor-ganacsada Xarunta Wakaaladda Biyaha inay baneeyaan, waxaana dad ka hor-yimid kuwaas oo isku dayay inay hor istaagan.

Ciidanka amniga ayaa saaka bilaabay howlgalkan oo ah mid sare loogu qaadayo bilicda Caasimadda, waxaana jira Koox rasaas ku furtay Ciidanka, iyadoona uu ku dhintay Askari katirsan Ciidanka Dowladda Hoose.

Ciidanka amniga ayaa wada howlgallo lagu soo qab-qabanayo dadkii kahor yimid, iyagoona lasoo qabtay qaarkood.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading