Sawirro: Maamulka cusub ee Gobalka Karkaar iyo Taliska Boolis oo xilkii la wareegay

Maamulka Cusub ee Gobolka Karkaar iyo taliska Ciidamada Booliska heer Gobol iyo mid Degmo ayaa si rasmi ah ula wareegay xilalkii loosoo magacaabay.

Xil wareejinta oo ka dhacday Hool balaaran ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Masuuliyiin katirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, kuwaas oo uu Hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyadda Dowladda Puntland Maxamed C/rixmaan Dhabancad.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Mr. Dhabancad oo madasha xil wareejinta ka hadlay ayaa ammaan iyo Bogaadin u jeediyay Maamulkii hore ee Gobolka Karkaar iyo taliska Ciidamada Booliska heer Gobol iyo mid Degmo.

Wasiirka ayaa sidoo kale kula dardaarmay Maamulka cusub ee Gobolka Karkaar iyo taliska Ciidamada Booliska heer Gobol iyo mid Degmo inay dardar-geliyaan Shaqadda Maamul iyo ammaan ee Gobalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading