Sawirro: Madaxweynaha Puntland oo gaaray Xaafuun

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Xaafuun ee Gobolka Bari halkaasi oo Madaxweynuhu ku tegay safar shaqo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Xaafuun kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmada Xaafuun.

Xaafuun, ayaa kamid ah magaalooyinka istiraatiijiga ah ee dhaca xeebaha Bari ee Puntland iyo marin biyoodka caalamiga ah Raas-caseyr.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading