Sawirro: Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland ee maanta?

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, dhacdooyinka todobaadka, fariisinta Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland iyo wax ka bedelka xeerka Warbaahinta.

Golaha Wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey wax ka bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland, oo lagu soo daray cutubyada kala ah Baraha Bulshada, Wacyigelinta iyo Xayeeysiiska iyo Wax ka bedelka lagu sameeyay Xeerka Warbaahinta ayaa loo gudbinayaa Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading