SAWIRRO: Maxaa looga hadlay kulankii Deni iyo bulshada Gaalkacyo?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada magalaada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Kulanka Madaxweynaha iyo Dadweynaha ayaa ahaa kulan is-xog-wareysi shacabkuna fursad u heleen in ay Madaxweynaha weydiinayeen su’aalo dhanka siyaasadda ah iyo kuwo ku saabsan qorshaha hortebinta u xukuumadda gaar ahaan dhanka adeegyada bulshada ee dowladdu bixiso, Mashaariicda horumarinta , Kaabayaasha Dhaqaalaha, doorka shacabka ee horumarka iyo Amniga, iyo ka gungaaridda masuuliyad wadareedka saaran qof kasta oo muwaadin ah,

Sidoo kale kulanka ayaa daaranaa is-xogwaraysi guud oo ku salaysan nabadda gobolka Mudug, Aminiga Guud, adkeenta Xasiloonidda, horumarka gobolka, nabadaynta beelaha walaalaha ah ee xurguftu dhextaallo, la dagaalanka maandooriyaha iyo ka hortagga falalka Argagixisada cadawga ku ah shacabka iyo dowladdooda.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa nabadoonada beelaha gobolka Mudug, masuuliyiinta dowladda iyo waxgaradka gobolka ku wargeliyey in si dhammaystiran oo dhiifoon looga shaqeeyo amniga iyo xasiloonida.

IDILNEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading