Sawirro: Puntland oo Ciidammo Boolis ah geeysay Gobalka Sanaag

Dowladda Puntland ayaa Ciidammo cusub oo Boolis ah geeysay degmadda Badhan ee Gobalka Sanaag, kuwaas oo sameyn doona howlgallo lagu xoojinayo Amniga.

Ciidammada oo wata oo Gaadiid loogu talagalay Booliska ayaa tiradoodu gaaraysa ilaa 100 Askari. Waxaana kusoo dhaweeyay magaaladda Badhan, Maamulka Gobalka Sanaag, kan degmadda Badhan, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.

Ciidanka cusub ee la geeyay degmadda Badhan ayaa kamid ah Boolis uu dhowaan tababar u soo xiray Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading