Sawirro: Wasiir Gallan & Taliyayaasha Ciidamada oo ka wada-hadlay Amniga Puntland

Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa shir-guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga guud ee Puntland.

Taliyayaasha Ciidamada Daraawiishta, Booliska iyo Asluubta Puntland ayaa ka qeybgalay shirka oo ka dhacay wasaaradda amniga Puntland. Waxaana diirada lagu saaray xoojinta amniga deegaanka, dagaalka argagixisada iyo dardargelinta dib u dhiska ciidamada.

Qoraal kooban oo ay baahisay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu yiri “Wasiirka Wasaaradda Amniga Iyo DDR ee Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Mohamed Gallan ayaa xaruunta dhexe ee Wasaaradda Aminga shir kula qaatay Taliyaasha ciidamada Puntland. Kulankan ayaa looga hadlaayey xaalada guud ee amniga Puntland.”

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading