Sawirro: Xasan Abgaal oo kormeeray kastamka degmadda Xarfo

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo Wafti uu Hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wasiirka iyo Waftiga uu Hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Dhinca kale Wasiirka ayaa koormeer shaqo ku tegay Kastamka degmada Xarfo, waxaana uu la kulmay mas’uuliyiinta Kastamka oo xog-dheeri ah Wasiirka ka siiyay habsami u socodka shaqada Kastamka.

Wasiirka ayaa Madaxada iyo shaqaalaha Kastamada degmada Xarfo kula dar daarmay in shaqada la dardar galiyo, lana xoojiyo qaadista Canshuuraha.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading