Saxaafada Madaxbanaan oo qaadacday Dooda RW Xamse

Warsaxaafadeed

Talefishinada iyo Raadiyayaasha ku midaysan Golaha Warbaahinta Madaxa banaan waxay si buuxda u qaadaceen tabinta Dood uu marti ku yahay Ra’iisul-wasaare Xamse Cabdi Barre, taas oo ay soo abaabuleen koox ka shaqeysa xaafiiska Warfaafinta ee Ra’iisalwasaaraha.

Golaha Warbaahinta Madaxa banaan ma tabin karo dood looga been sheegayo waaqiciga dhabta ah ee ka jira dalka, waana sababta ay hay’adaha sare ee dowladdu uga war-wareegayaan la kulanka Warbaahinta madaxa banaan.

Ugu dambeyn,ma ahan markii ugu horaysay ee ay warbaahinta xorta ah ay go’aano mideysan ka qaataan baahinta doodaha aynu kor kusoo xusnay oo horay waxay u qaadaceen dood su’aalo lagu waydiinayey madaxweynaha oo uu xaafiiskiisa warfaafintu soo qaban qaabiyey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading