Saxiixa heshiiskii shidaalka oo dib udhacay

Maanta waxaa dib u dhac ku yimid munaasabadii lagu saxiixi lahaa Xirmooyinka ceelasha shidaal ee Xeebaha Baraawe iyo Hobyo.

Munaasabadan oo ay goobjoog ka noqon lahaayeen RW Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed,ayaa waxaa saxiixi lahaa Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed.

Xaflada Saxiixeeda dib ayay udhacday maalinta beri ah,waxaana soo baxaya warar sheegaya in uu soo kordhay culeys dhanka habraacyada loo marayo saxiixa heshiiskaas iyo qaabka loo waafajinayo arrimaha deyn cafinta ee shuruuda Hey’adda IMF, waxaana arrintaas loo saaray Gudi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.

Heshiiskan waxaa aad uga hor yimid Hay’adaha World Bank, IMF iyo Wasiirka Maaliyadda Beyle.

Shirkadaha loo saxiixayo heshiiska xirmooyinka (BLOCKS) shidaal qodista,ayaa lagu kala magacaabaa Liberty Petroleum iyo Coastline Exploration oo horay loo oran jiray SOMA OIl & GAS.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading