Seneter Maraykanka ah oo lagu helay in uu laaluush qaatay

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag

Xildhibaan ka tirsan aqalka Senete-ka ee Maraykanka, Senator Bob Menendes,ayaa lagu helay dhammaan eedaymo musuqmaasuq oo lagu soo oogay Salaasadii.

Waxaa eedaha loosoo jeediyey ku jira, inuu laaluush isugu jira dahab iyo lacag ka qaatay saddex ganacsade oo ka soo jeeda gobolka New Jersey ee dalkan Maraykanka iyo inuu wakiil shisheeye u ahaa Dowladda Masar.

Dacwad oogayaasha,ayaa sheegay in mudanahani uu ku takri falay awooda xafiiskiisa si uu xulafadiisa uga ilaaliyo dambiyada iyo inuu wax taro asxaabtiisa oo ay ku jirto xaaskiisa.

Xildhibaan Bob Menendes,ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu kulamo kala duwan la galay sirdoonka Masar, si uu u debciyo mowqifkiisa, ugana shaqeeyo, sidii loo dedejin lahaa kaalmo ku kacaysa malaayiin doollar oo ah gargaarka Maraykanku uu siiyo dalkaasi.

Menendes,ayaase ku dooday inaanu weligii jebin dhaartii uu u maray xafiiskiisa. sidoo kalena aanu marna muwaadin u noqonin dal aan ka ahayn Maraykanka, isla markaana anuu weligiis wakiil u noqon dal shisheeye.

Xigasho:-VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading