Seynab Ismaaciil oo loo doortay Senator kamid ah Aqalka Sare

Seynab Ismaaciil Maxamed, ayaa loo doortay Senatorka 8-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii ay u tanaasushay Aamina Jaamac Ibraahim.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay xubinimada Senator Seynab, waxaana codka kalsoonida siiyay 65 Xildhibaan.

Seynab Ismaaciil Maxamed, ayaa aheyd Wasiir kuxigeenkii Wasaaradda Deegaanka Xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Deni.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading