Sh.Maxamed Sh.Cabdullaahi Baardheere oo

Garoowe : 22 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay Salaadda Janaasada oo maanta lagu tukaday Allaah ha u naxariistee Shiikh Maxamed Shiikh Cabdullaahi Shiikh Ibraahim (Baardheere) oo ku geeriyooday Dalka Turkiga, Kaasi oo maanta maydkiisa la keenay Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa xusay inuu Shiikhu ku sifeysnaa inuu wakhti badan ku bixiyey Dacwada iyo fidinta diinteenna suuban, isagoo sidoo kale ka qeyb qaadan jiray nabadgelyada iyo horumarka bulshada.

Madaxweynaha ayaa Allaah uga baryay marxuumka in uu u danbi dhaafo oo geeyo janadii fardowsa, ehelkiisa iyo culimada Soomaaliyeedna uu dhammaantood kasiiyo samir iyo iimaan.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading