Waxaan maanta xaruntiisa ku booqanay aniga iyo xubno kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga Martinez oo aan ka wada hadalnay qodobadan:-

1- Ilaalinta dastuurka KMG & dhowrista xuquuqda muwaadinka, innaga oo la wadaagnay sida ay dowladda dhexe ugu tumanayso shuruucda dalka.
2- Aragtideenna ah in aan marna la aqbali karin dib u dhac ku yimaada doorashooyinka Qaranka 2020/21.
3- Qoondada haweenka ee golayaasha sharci dejinta ee ah 30%, innaga oo u xaqiijinnay in Madasha Xisbiyada Qaran ay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya taageera la qabto in la ilaaliyo oo aan marnaba lagu xadgudbin.
4- Qaabka la isaga kaashan karo sida looga hortagi karo qatarta cudurka CoronaVirus oo caalamka guud ahaan dhibaato ku haya, iyo in la iska kaashado ka hortagga cudurka.

Madasha xisbiyada Qaran waxay diyaar u tahay ka qayb galka doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna kasoo horjeeddaa wax kasta oo lagu baajinayo qabsoomidda doorashooyinka 2020/21 iyada oon ka digeyno in madaxda dowladdu marmarsiiyo u raadiyaan dib u dhigista dooraahada.
MAHADSANIDIIN
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.