UPDATE:-Sh.Shariif”Xiriirka Imaaraadka iyo Somaaliya waa muhiim waana in xal loo helaa”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee ka dhax taagan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Sheekh Shariif oo wareysi siinayay Tvga Al-carabiyah ayaa aad ugu hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka iyo sidii xal looga gaari lahaa xiisada dublomaasiyadeed ee ka dhaxtaagan dowladahaasi.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah.

Wuxuu yiri ”Soomaaliya iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeya xiriir ganacsi, mid horomarineed iyo mid saaxibtinimoba”

Shariif wuxuu carabka ku adkeeyay in dowlada Imaaraadka ay Soomaaliya ka caawisay sanadihii dambe dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Sheekh Shariif ayaa ugu dambeyn baarlamaanka, xukumadda iyo madaxda dowlada ka dalbaday in xiisadaan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, wuxuuna intaas uu sii raaciyay in mararka qaar ay dhacaan arimahaan oo kale laakiin loo baahan yahay haddii is fahmi waa uu yimaada in si deg deg ah xal looga gaaro,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading