NAIROBI : WAXAA MADASHA SHIRKA LAGU DHEXDHEXAADINAYO O.N.L.F. & DOWLADDA FEDERAALKA EE ETHIOIPIA SOO GAARAY MADAXWEYNE SAYID AXMEED SHEEKH MAXAMAD ISLAAM;
SHIRKAN WUXUU DABA SOCDAA SHIRAR HORE OO KA SOO QABSOOMAY LONDON,NAIROBI,DUBAI,STOCKHOLM,WUXUUNA MADAXA LA GALAY SANNADKII LIXAAD.
WAXAA SHIRKA KA QEYBGALAYA WAFDI KA SOCDA DOWLADDA FEDERAALKA EE ETHIOPIA OO UU HOGGAAMINAYO MADAXWEYNE CABDI MAXAMUUD CUMAR,
HALKA WAFDIGA O.N.L.F. UU HOGGAAMINAYO U QEYBSANAHA ARRIMAHA DIBADDA MUDANE CABDIRAXMAAN MAXAMAD SHEEKH MAHDI;
WAXAANA DHEXDHEXAADINAYA GOGOSHANA LAHAA GUUD AHAAN SIYAASIYIINTA GOBOLKA WAQOOYI BARI EE KENYA GAAR AHAAN GOVERNARKA GARISSA MUDANE CALI QORANE BUNOW,SENATOR MAXAMAD YUUSUF XAAJI,MUDANE YUUSUF XASAN CABDI.
WAXAA FURITAANKA SHIRKA KHUDBAD QIIMA LEH KA JEEDIYAY SIYAASIGA WEYN AADAN BARRE DUCAALE OO AH MADAXA AQLABIYADA BAARLAMAANKA EE KENYA KAASOO LABADA GEES KU AMMAANAY DADAALKA & DULQAADKA AY MUUJINEEN,WUXUUNA KULA DARDAARMAY IN SHIRKOODA UU GUUL KU SOO GEBAGEBOOBO.
WAXAA ISNA FURITAANKA SHIRKA KHUDBAD TAARIIKHI AH KA JEEDIYAY SHEEKH IBRAAHIM MAXAMAD XUSEEN(IBRAAHIM-DHEERE) MADAXII JABHADDII W.S.L.F. OO KU DHEERAADAY TAARIIKHDA IYO MARXALADIHII LA SOO MARAY,IYO EEGGA WAXA INALA GUDBOON OO AH INEYNU UBADKEENA MUSTAQBALKOODA U TURNO,NABADNA LAGU SOO DABBAALO GEESKA AFRIKA.
KOLKA AYNU U SOO NOQONO IMMAATINKA MADASHA SHIRKA EE MADAXWEYNE SAYID AXMEED SHEEKH MAXAMAD ISLAAM AYAA LEH MUHIMAD GAAR AH;
SAYIDKA AYAA LAHAA FIKRADDA DHEXDHEXAADINTA LABADA GARAB WUXUUNA FIKIRKAAS LA WADAAGAY SIYAASIYIINTA KALA AH: GOVERNARKA GARISSA MUDANE CALI QORANE BUNOW,SENATOR MAXAMAD YUUSUF XAAJI,MUDANE YUUSUF XASAN CABDI,KUWAAS OO SI FICIL AH U MEEL MARIYEY.
KOLKA AAD DHANKA KALE KA EEGTO SHIRKANI WAA KII UGU HORREEYEY EE QOWMIYADDA OGADEN EE GEESKA AFRIKA U QABSOOMA IYAGA OO SADDEX CALAN KALA WATA,BAAQOODANA UU YAHAY NABADDA GUUD EE GEESKA AFRIKA.
SHIRKANI WAXAA AAD U DANEYNAYA BEESHA CAALAMKA OO AAMINSAN NABADDA KA ASLAAXDA GOBOLKA KHEYRAADKA BADAN LEH EE OGADEN INEY FURE U TAHAY NABAD KA ISLAAXDA GEESKA AFRIKA.
ANNAGOO AH BAHDA WEBKA IDILNEWS.COM WAXAANU SI XUSHMAD IYO QADARIN LEH U SOO DHOWEYNEYNAA GO´AAMADA KA SOO BAXA SHIRKA,WAXAA NAGA XUSUUSIN AH ERAYADII ABWAAN CABDULLAAHI MACALLIM AXMED DHOODAAN SANNADKII 1977 EE AHAA….
”SHAAMAREER MA HAYSTEEN,HADDUU SHIRI OGAADEENE”
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.