Shabaab oo go’doomintii ka qaaday Baydhabo

Alshabaab,waxay ka qaadeen go’doomintii ay ku hayeen Baydhabo mudo 10-Cisho ah.

Waxay fasaxeen Gaadiidkii ku xanibnaa Wadada udhaxaysa Muqdisho-Baydhabo.

Sida wararka aan ka helayno Baydhabo sheegayaan,waxaa soo gaaray Gaadiidkii ugu horeeyay oo Shabaab soo fasaxeen.

Amarka fasaxida,ayaa yimid kadib heshiis ay la galeen Ganacsatada,kaasoo ay ku aqbaleen Canshuur ay kusoo rogeen.

Maamulka KG iyo Dowlada Dhexe waxba waa ka qaban waayeen go’doominta iyo Canshuurta Shabaab soo rogay.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading