Maanta argagixisadu,waxay Hoobiyayaal ku garaaceen Afgooye,taasoo muujinaysa in awoodoodu xoog badan tahay.
Sidoo kale,waxay soo bandhigeen Hub,Saanad iyo Maxaabiis ay ku qabsadeen Saldhigii Awdhiigle.
Argagixisadu,waxay gudaha Xamar geliyeen 2000-Maleeshiyo.
Shabeellada Dhexe,waxay geliyeen 4000-Maleeshiyo.
Shabeellada Hoose,waxay geliyeen 2000-Maleeshiyo ah.
Dhaqdhaqaaqaas,waxa uu sababay in BC xoojiso difaaca Magaalada Muqdisho,markii DFS ku fashilantay Difaaca Magaalada.
Maraykanka iyo Turkigu,waxay sameeyeen xoojin Dhanka Diyaaradaha,halka Ciidamada Atmis ay xoojiyeen Kayntaroolada iyo Goobaha kale ee laga soo galo Magaalada.
Garaacis ay sameeyeen Diyaaradaha Drons-ka BC,waxaa lagu dilay Daraasiin Maleeshiyada AS ah,taasoo yaraysay dhaqdhaqaaqii argagixisada ee ay hadba Fariisin ku weerarayeen Labadii Maalmood ee ugu danbeeyay.
Majiro Hal Urur oo si dhamaystiran udagaalami kara oo ka mid ah Ciidamada udiwaangashan DFS,sida uu horay usheegay MW Sh.Shariif.
Waxaa muuqata in MW Xasan ku fashilmay dagaalkii argagixisada si buuxda.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.