Shacabka Iran oo doortay Madaxweyne cusub

Masood Peseshkian,ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Iran, isagoo ka adkaaday Ninka ay is hayeen ee muxaafidka ah, Siciid Jalili.

Ku dhawaaqida Peseshkian, oo 70 jir ah,ayaa timid ka dib markii mas’uuliyiintu ay sheegeen in uu helay 53.3%, in ka badan 30-Milyan oo cod oo la tiriyay wareeggii Labaad ee doorashada Madaxtinimada.

Jalili oo ahaa Musharaxa la loomayay,ayaa helay 44.3%.

Codbixinta Labaad ayaa timid kadib markii musharrixiinta midkoodna uusan ku guuleysan aqlabiyadda codbixintii ugu horreysay ee dhacday 28-kii June, taasoo ay u soo baxeen 40% codbixiyeyaal, waana codkii ugu hooseeyay tan iyo markii la aasaasay Jamhuuriyadda Islaamiga ah 1979-kii.

Madaxweynihii hore ee dalkaas Ibrahim Raisi,ayaa ku geeriyoody Shil dayaaradeed bishii May.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading