Shacabka Iran oo farxad kusoo dhaweeyay Geerida MW Raysi

Shacabka Iran gudo iyo dibadba waa ku farxeen geerida foosha xun ee ku dhacday Madaxweynahooda.

Shacabka gudaha ma muujin karaan dareenkooda si weyn,balse tirada iraniyiinta qurba joogta ah,ayaa si weyn usoo baxay.

Raysi,wuxuu ahaa xagjir ay Madaxmartay Shiicanimadu oo wuxuu kasoo jeeday Qoys Diimeed,isagoo kuray ah,ayuu ku biiray Wadaada iyo Kacaankooda,wuxuuna qayb ka qaatay dilka iyo caburinta Dad badan oo kasoo horjeeday xukunka Wadaada.

Kacdoonadii ugu danbeeyay,ayaa ahaa kuwii uu sida adag umaamulay oo Dil,Ciqaab iyo Xarig iskugu daray Dadkii kacsanaa,waana meesha uu ka raacay Magaca (Kawaanle).

Raysi Siyaasada dibada,waa talax tagay sida mida gudaha uu ugu maamulay xagjirnimo,balse ugu danbayn Diyaaradiisii,ayuu ku dhex gubtay,isagoo jooga Wadankiisii.

Kali talisnimo,xagjirnimo,jujuub Diimaha meelna kuma leh mana dhaliso Dowladnimo waarta oo waxtar noqota.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading