Shacabka Jubbaland oo kasoo hor-jeedsaday fara-gelinta DFS ee Doorashada Jubbaland (Sawirro)

Waxaa magaalada Kismaayo lagu qabtay Kulan lagu taageerayay nabad galyada Jubbaland isla markaana looga soo horjeedo faragalinta qaawan ee ay dowladda Federaalku ku heyso arrimaha doorashooyinka Jubbaland.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay ururada Bulshada sida Waxgaradka,Haweenka,Dhalinyarada waxaana dadkii goobta ka hadlay ay muujiyeen muhiimada ay leedahay amniga iyo xasiloonida Jubbaland.

Waxa ay shacabka Jubbaland ugu baaqeen in ay la shaqeeyaan cid kasta oo ku soo baxda doorashada maalinta barri ah ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Dhan kale magaalada Kismaayo waxaa ku sugan Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Dowladda Federaaalka Soomaaliya kuwaas oo arrimo xaqiiqa raadin ah u jooga magaalada.

Xildhibaanada labada Golle ee ku sugan Kismaayo ayaa horey uga digay faragalinta ay dowladdu ku heyso arrimaha doorashooyinka iyagoona ugu baaqay shacabka iyo Siyaasiyiinta Jubbaland sidii ay ugu midoobi lahaayeen cadowgooda.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading