Shacabka Kherson oo si weyn usoo dhaweeyay bixitaanka Ciidamada Ruushka iyo soo gelida kuwa Ukrain

Ciidamada Ukraine,ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Kherson kadib markii ciidamada Ruushka ay sheegeen inay isaga baxeen magaaladan muhiimka ah ee ku taalla koonfurta dalkaaas.

Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinayay shacabka oo dabaaldegyo ka dhigaya waddooyinka , waxay isug soo baxeen farasmagaalaha habeennimadii iyaga oo ku heesaya heeso waddani ah, xilli ay soo dhaweynayeen ciidamada Ukraine oo soo galay magaalada.

Guddoomiye gobol ayaa dhanka kale isna sheegay in dhanka galbeedka ee wabiga Dnipro ay ku soo noqotay gacanta dawladda Ukraine, kaddib bixitaankii ciidammadii Ruushka.

Kherson waxay ahayd magaalada madaxda gobolka kaliya ee Ruushku qabsaday ka dib duulaankii uu ku qaaday Ukraine.

Dib u gurashada Ruushka ayaa loo arkay dib u dhacaa ugu weynaa ee lasoo darsay ciidamada Putin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading