Shacabka Puntland oo si weyn uga cabanaya Qiimaha Tigidhada Ee Shirkada Itoobiyan Airlines

Cabasho xoog badan,ayaa ka imaanaysa Shacabka Puntland,taasoo ku socota Shirkada Diyaaradaha Itoobiyaan Airlines.

Cabashadu,waxay ku salaysan tahay Qiimaha Tigidhada,gaar ahaan Bosaso-Adis-ababa.

Sida saxda ah Qiimaha Tigidka Bosaso-Adis,waa $370 Tagid iyo soo laabasho.

Balse Xaafiiska Shirkada Itoobiyaan Airlines ee Bosaso,ayaa ku jara Tigidka $600,waxaana dul saar u ah $230.

Markaad Adis ka goosato Tigidka ama Online-ka,waxaad Shirkada ushubaysaa Lacag dhan $370.

Balse Xaafiiska Bosaso si uu uga hor tago in aan Dadku kasoo goosan Adis ama Online,wuxuu khasab ka dhigay in Xaafiiska Bosaso kaliya laga jarto Tigidka oo aysan aqbalayn mid laga jaray Adis ama Online-ka.

Wakiilka rasmiga ah ee Shirkada Itoobiyaan Airlines ee PL,waa Xasan Deni,waxaase ku magacaaban Nin la yiraahdo Abuubakar oo aan lahayn wax go’aan ah.

Cabashada Bulshadu,waa Lacagta dulsaarta ah oo ku dhow Qiimaha Tigidka.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading