VOA,waa la tabay?
1.Waxay ahayd Idaacadii Qaranka.
2.Waxay ahayd Idaacad aan gaar loo lahayn.
3.Waxay ahayd Idaacad dhexdhexaad ah.
4.Waxay ahayd Idaacad lagu ilaaliyo Afka Hooyo.
5.Waxay ahayd Idaacad lagu soo hirto.
6.Waxay ahayd Idaacad kulmisay Saxafiyiinta,Aqoonyahanka,Culumada iyo Qaybaha Bulshada Somaliyed.
7.Waxay ahayd Idaacad door weyn ka qaadatay dagaalka argagixisad.
8.Waxay ahayd Idaacad door ka qaadatay Dowlad dhiska Somaliya.
VOA maalmihii ay hawada ka maqnayd,waa la tabay,gaar ahaan Bulshada aan isticmaalin Baraha Bulshada,ayaa tabay.
Qiyaastii 45% Bulshada Somaliyed ee sida tooska ah ugu xiran Radio,ayay ka mid ahayd Nolol maalmoodkooda.
Waxaa kaloo VOA ay u ahayd Goob Somalidu udoonato Warka xaqiiqda ah oo ay ka xaqiijiso Wararka tira beelka ah ee Baraha Bulshada dhex orada aanse lagu kalsoonaan karin.
Sidoo kale,waxay ahayd Xarun Qofka caadiga ah ee Somaliyed ku gaarsiiyo dareenkiisa,cabashadiisa,cadaalad doonistiisa iyo dhibkiisa Caalamka kale oo la aaminay.
Reer Puntland hadaan nahay,waxaanan ilaawayn doorkii ay ka qaadatay hawlgalka sifaynta argagixisada.
VOA loogama maarmo Somaliya.
JQ.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.