Shalay Waxay Ahayd Qabuurihii Reer Macalin Nuur Iyo Dab-damiska

Muqdisho, (IDNE, Faallo) Faalladaan waxaa qoray xildhibaanad ka tirsan aqalka sare ee JFS Maryan Faarax Kaahiye.

Waxay ku bilowday; Sidaan horey uga digay, boobka dhulalka Danta Guud ayaa imaan doona kaddib ansixintii Dastuurka oo ahaa mid baalmarsan dhammaan Xeer-hoosaadyada iyo acraafta kale ee labada Gole ee JFS.

Xildhibaanno kale iyo aniguba waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynay in ballanqaadyo lagu baddashay Ansixinta Dastuurka-taas oo shacabkeena sharafta leh iyo inta yar ee waddaniyaddu ku dambayso ee Labada Aqal ku jirta ay ogyihiin.

Maanta waxay taagan tahay in Qabuurihii laga xishoon waayo oo xitaa Alle looga baqiwaayey.

Waxaa nasiib darro ah in Hoggaanka sare ee dalku uu sidaa maanta inuu raali ka noqdo soo bixinta lafaha Dad badan oo Qaranka u soo shaqeeyey oo ku aasan Iskool Boolisiya.

Waxaan xusuustaa oo sidoo kale la ii xaqiijey in halkaas lagu aasay Xildhibaanno Qaran, Saraakiil Ciidan, Diblomaasiyiin iyo dad kale oo bulshadeena magac iyo maamuus ku lahaa!!

Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud yo Ra’iisulwaare Xamse Cabdi Barre waxaan ugu baaqayaa in ay Qabuuraha Eebbe darti uga xishoodaan.

Waxaan ugu baaqayaa in ay joojiyaan boobka lagu hayo dhulalka Danta Guud ee Qaranka ilaa laga helayo Shuruucdii Dhulka Dowladda lagu hagilahaa!

Sidaa si lamida, waxaan Xildhibaanada Labada Gole ee damiirka-dowladnimo ku dambeeyo u soo jeedinayaa in ay u istaagan daryeelka iyo difaaca shacabkeena dhibban.

Senotarad Maryan ayaa qoraalkeeda kusoo gebo-geboysay; DIFAACA SHARAFTA QABUURAHA IYO DIFAACA SHACABKEENA QAALIGA AH WAA WAAJIB MUQADAS AH.

https://twitter.com/senator_farah/status/1787062007402832178
Senator Maryan Farah kahiye (@senator_farah)

XiDDIG


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading