Shaqaalaha DFS oo laga talaalayo cudurka COVID-19 (VIDEO)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo daahfuray ololaha tallaalka Covid-19 ee Shaqaalaha Dawladda

Muqdisho, 21, Agoosto, 2021- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta daahfuray ololaha tallaalka COVID-19 ee Shaqaalaha Dawladda.

Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , oo ay goobjoog u ahaayeen Guddoomiyaha guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo saraakiil kale ayuu Wasiirka Shaqada ku qaatay tallaalka.

“Tallaalka wuxuu door ka qaadanayaa hortagga faafida COVID-19 ee goobaha Shaqada.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo dhammaan Shaqaalaha Dawladda ku wargaliyay inay qaataan tallaalka.

Xarumaha Dawladda ayaa la gaarsiin doonaa tallaalka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Caafimaadka Dalka , halkaa oo lagu siin doono Shaqaalaha Dawladda.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading