Qadar lacageed oo ay ka jareen mushahaarkooda shaqaalaha Madaxtooyada Garoowe ayaa waxa ay shalay 29, March, 2017 ku wareejiyeen xubin kamida gudiga taakulaynta Abaarha Puntland.
Qadarka lacageed ayaa dhammayd 15,500,000 oo shilin Soomali ah taas oo ay ugu tala galeen inay kaga qayb qataan gurmadka loo fidinaayo dadka Abaaruhu sameeyeen ee ku dhaqan deegaanada Puntland, taas oo ay u garteen inay uga reebaan mushaharkooda, si loogu samatabixiyo walaalahooda tabaalaysan.
Taakulaynta lacageed ayaa ah mid laga dheehankaro dadka Soomaliyeed inay markasta u heelan yihiin inay u gargaaraan kooda dhibaataysan, ha ahaato waxa ugu yar ama waxa ugu badan ee qof bini aadan ah lasiinkaro looguna gargaari karo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.