Sharciyad mahaysataa Dooda Gudoomiyaha Baarlamaanka Ee Go’aanka Maxkamada Dastuuriga ah?

Dooda Gudoomiyaha Baarlamaanka ee ku Aadan go’aanka Maxkamada Dastuuriga ah,waa mid aan haysan Qodob sharci oo difaac unoqon kara.

Maxkamada Dastuuriga ah,waxay fasirtay Sharcigii lagu meel mariyay Muddo kororsigii Sanadka ahaa ee Baarlamaanka.

Ma qaadin Maxkamadu Dacwad Labo dhinac u dhaxaysa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka,waxaa la gudboon in uu aqbalo mudo xileedka ka dhamaaday oo uu Gobolkiisa uraadsado matalaad cusub ogolaanshaheed.

Doodiisa ah Deni,waa igu danaystay oo xataa Dhiig,ayuu faraha iigeliyay kumana fadhiyeen Kursiga hadaanan Baarlamaanka joogin,haatana,isagoon ila tashan,ayuu go’aan kaligii gaaray kama gadmayso xilligan.

Sidoo kale Deni gorgortan kama galayo Gudiga khilaafaadka Xubnihiisa in lala magacaabo.

Abwaan waa in uu waaqiciga kusoo dhawaadaa.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading