Sharciyad mahaysataa Dooda Karaash Ee Gudiga khilaafaadka?

Cadde Muuse Gudiga khilaafaadka markii lagu qabsaday cariiqsi daraadiis,waxuu kawada dhigay Wasiiradiisii iyo Agaasimayaashiisii,waana socday.

Faroole,waa ku qoslay Musharaxiintii xilligiisii ku qabsaday magacaabista Gudiga,umana joojin.

Gaas,waxaa girgirka kula dhagey ku xigeenkiisii Camey,dushuuna ka maray oo waa socodsiistay Gudigiisii.

Deni maxaa ku gaar ah oo loola qaybsanayaa Gudiga khilaafaadka?

Magacaabista Gudigaas,waa awood uu si buuxda uleeyahay Madaxweynaha Dowlada Puntland ee markaas Kursiga ku fadhiya.

Karaash,waxa ugu weyn ee uu samayn karo,waa in uu Gudi khilaafaad soo magacaabo sidii Camey,taasna ma soconayso.

Deni marna Xubnaha Gudiga waxba ka bixin mahayo.

 

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading