Sharma Boy oo hantay Fanaanka Sanadka Ee Afrika

Sharma Boy ayaa sanadkan hantay abaalmarinta fannaanka soo baxaya ee sanadka 2021-ka – dhanka waddankiisa – kaddib markii uu fannaaniin kale oo Afrika kasoo jeeda uga adkaaday tartan sanadle ah oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Abaalmarintan oo lagu magacaabo “African Entertainment Awards USA”(Billadaha Madadaalada Afrika ee Mareykanka) ama AEAUSA ayaa munaasabaddeeda lagu qabtay magaalada gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka.

Magacyada musharraxiinta u tartamayay billadaha heerarka kala duwan ayaa la shaaciyay 1-dii bishii November ee sanadkan 2021-ka.

Sharma oo matalayay Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka galay billadda fannaanka Afrika ee ugu wanaagsan hobalada kasoo ifbaxaya waddankiisa.

~ BBC


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading