Sheekh Shariif “Kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed waxay kaalin muuqato ka qaateen u adeegista bulshada”

Madaxweynihii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ugu hambalyeeyay Kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed xuska maalinta caalamiga ah ee Kalkaaliyayaasha Adduunka, oo ku beegan 12-May, waxaana uu sheegay in Kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka qaateen caafimaadka Bulshada.

“Waxaan kalkaaliyayaasha caafimaadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa munaasabadda 12ka May ee maalinka caalamiga ah ee kalkaaliyayaasha Caafimaadka.”

“Kalkaaliyayaasha Soomaaliyeed waxay kaalin muuqato ka qaateen u adeegista bulshada xilliyo adag oo kala duwan, taasoo mudan in lagu bogaadiyo howsha adag ee ay Dalka iyo Dadka u hayaan.”

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading