Sheekh Shariif “Lama aqbali karo in Doorashada dalka la boobo” (VIDEO)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa ku eedeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka leexdeen dariiqii wanaagsanaa ee la doonayo in lagu hoggaamiyo doorashooyinka dalka, isla markaana ay tahay nasiib darro inay isku dayaan inay boobaan doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo ka hadlayay munaasbad lagu  soo xirayay Shirka midowga Musharixiinta Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in musharixiinta ay garteen in dalka meesha uu u socda laga soo leexiyo si loo qabto doorasho la isla wada ogol yahay.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Hoggaamiyaha midowga Musharixiinta ayaa tilmaamay in sida ay wax u wado Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sababi karto xasilooni darro siyaasadeed, taas bedelkeeda musharixiinta Madaxweynaha ay ka hortagayaan.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hoggaamiyaha midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in musharixiinta Madaxweynaha aysan aheyn kuwo colaad wada, balse ay wadaan sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo bad-baadiin lahaa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading