Sheekh Shariif oo ku baaqay gurmad deg deg ah oo loo sameeyo Shacabka Qardho

Madaxweynihii hore ee DKMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Sharif Sheikh Ahmed, ayaa ka hadlay xaalada degmada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar, oo daadad xalay kusoo rogmaday ay sababeen khasaare nafeed iyo mid maal.

Sharif Sheikh Ahmed, oo qoraal kooban kusoo daabacay bartiisa Facebook ayaa ugu tacsiyeeyay shacabka magaalada Qardho iyo Guud ahaan Reer Puntland khasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay Daadadkii ku dhuftay Qardho.

Sidoo kale, Madaxweyne Sharif ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ganacsatada iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan u gurmashada Shacabka Magaalada Qardho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading