Shiikh Aadan Madoobe oo Isu Sharaxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka hadana ah Mudane ka tirsan Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa maanta oo ay Taariikhdu tahay 17-04-18 ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 8-dii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Aadan Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu soo shaqeeyay iyada oo aysan jirin dhaqaale iyo Miisaaniyad ay Dowladda ku shaqeyso, iyada oo xilligaasi la raadinayay in la helo Dowlad guuleysata.

Wuxuu sheegay markii uu is casilay Madaxweynihii Soomaaliya Marxuum C/laahi Yuusuf inuu ku guuleystay inuu isku keeno Dowladda Federaalka iyo Midowgii Maxaakiimta oo xilligaasi ahaa Mucaarad, intaasi kadibna la soo doortay Madaxweyne cusub.

Baarlamaanka Federaalka ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.

“Waxaan rabaa inaan maanta halkan ka cadeeyo inaan u taagannahay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka, dalka waxaan ka soo qabtay xilal kala duwan, iyada oo aan mar soo noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka, waqti badan ayaan u soo shaqeeyay shacabka, Mudanayaasha Baarlamaanka waxaan ka dalbanayaa in ay codkooda igu taageeraan.” Ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Guddoomiye Baarlamaan soo noqday intii u dhaxeysay 2007-dii ilaa 2010-kii, sidoo kale wuxuu soo noqday Ra’iisul Wasaare kuxigeen, Wasiir iyo Baarlamaano kala duwan oo uu xildhibaan uu ka soo noqday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading