Shiinaha oo ku eedeeyay Mareykanka inuu u diray fariin khaldan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Anthony Blinken,ayaa dhambaal hambalyo ah u diray madaxweynaha la doortay ee Taiwan William Lai kadib markii uu ku guuleystay doorashada, waxaana Beijing ay ku tilmaantay fariintaasi mid xadgudub ku ah Washington iyada oo khalad ku tilmaantay in uu xiriir aan toos ahayn la yeesho Taiwan.

Lai oo ah hoggaamiyaha cusub ee la doortay ayaa waxa uu ballan qaaday in uu Taiwan ka ilaalinayo waxa uu ku tilmaamay gardarrada sii kordhaysa ee Shiinaha, halka Beijing ay u aragto Taiwan in ay tahay qayb ka mid ah dhulkeeda, si adagna ay ula dagaalanto dowlad kasta oo si kale tilmaan uga bixisa ama u muujisa in ay tahay dal gooni ah.

Dhambaal hambalyo ah oo loo diray hoggaamiyaha cusub ee Taiwan ayaa doorashada kadib ka soo wada baxay caalamka oo dhan, waxaana ka mid ahaa dadkii dhambaalka diray Blinken, kaas oo ku nuuxnuuxsaday iskaashiga u dhexeeya Taipei iyo Washington, isaga oo uu sheegay in uu salka ku hayo qiyamka dimuqraadiga ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading