Shiinaha oo ku gacan sayray dalab uga yimid ha’adda Caafimaadka Adduunka

Dawlada Shiinaha ayaa waxa ay ku gacan sayrtay dalab uga yimid hay’adda Caafimaadka Adduunka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee WHO.

Hay’adda ayaa waxa ay ka dalbataya Shiinaha in uu ogolaaday in shaybaarrada dalkeeda ee loogu talo galay baarista cudurada halista ah, lagu baaro asal ahaan halka uu ka yimid cudurka Covid19.

Dawlada Shiinaha ayaana waxa ay cod qayaxan uga hortimid dalablaas, uga imaaday hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Shiinaha ayaa arrintan waxa uu ku wajahi karaa cambaarayn caalami ah, maadama halkii ugu horaysay ee cudurka laga helay ay tahay dalkiisa, waxaana muuqata in Shiinuhu qarinayo xaqiiqada ama dhab ahaanshiyaha cudurkan.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading