Shiinaha oo Markab dagaal iyo Ciidamo u soo diray Soomaaliya

Markabkii 39-aad ee Ciidanka Badda Shiinaha ayaa ka soo ambabaxay magaalada Qingdao, oo ku taal Gobolka Shandong ee bariga Shiinaha, si uu u fuliyo hawlgal laga fulinyao gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya.

Markabkan ayaa waxaa saaran hubka wax burburiya, laba helicopter, waxaana la socda daraasiin katirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee fuliya hawlgallada khaaska ah.

Ujeedada Markabkan loogu diray biyaha Soomaaliya, ayaa ah la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo la-dagaallanka burcad-badeedda, iyo sidoo kale kormeerka badda.

Ciidanka Badda China ayaa ka bilaabay hawlgallo gacanka Cadmeed iyo biyaha ka baxsan Soomaaliya Bishii December ee sanaskii 2008.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading