Shil gaari oo ka dhacay duleedka Laas-caanood+Sawirro

Inta la xaqiijiyay Hal ruux ayaa ku dhintay, 4 kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari ay wateen uu kula dhacay Togga loo yaqaanno Waqa-Deri oo dhanka koonfurta ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaariga togga ku dhacay, uu ka yimid deegaan lagu magacaabo DOCMO, isagoona kusii jeeday Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Dadka degaanka oo gaaray meesha uu shilku ka dhacay, ayaa gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay shilka, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday dhanka Laascaanood.



Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading