Shir deg deg ah oo u socda Golaha Wasiirada Soomaaliya

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa shir Gudoominaya Shir deg deg ah oo hadda ka socda hoolka Shirarka ee Golaha Wasiiradda ee Magaalada Muqdisho

Shirkan ayaa looga hadlaya Xaaladda dalka, waxaana suurtagal ah in lagu Magacaabo Taliyeyaal Ciidan sidda ay xaqiijiyeen ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Shirkan ayaa si gaar ah diiradda lagu saaraya Xaaladda Ammaan ee dalka, iyo qaraxyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa kusoo aadaya xilli saacado kahor ay soo baxeen Isbedelo lagu sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading