Shir looga hadlay maamul baahinta Puntland oo ka socda Garoowe (VIDEO)

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Timacde waxaa kasoo qayb galay Agaasimayaal ka socda wasaaradaha bah-wadaagta la ah mashruuca maamul baahinta Puntland, gudoomiyayaasha degmooyinka uu ka socdo mashruucu, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyey mashruuca hormuudka maamul baahinta Puntland oo kamida mashaariicda sida tooska ah u hoostaga xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa socon doona mudo laba beri ah.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading