Shir looga hadlayo doorashada Jubbaland oo ka socda Kismaayo (Sawirro)

Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxa Goordhow ka furmay shirka caadiga ah ee Golaha Wasiirada Maamulka Jubbaland kaas oo todobaad walba Maanta oo kale la qabto,waxaana Maanta looga hadlayaa qodobo dhowr ah.

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Saydi Aadan ayaa kulanka shir guddoominaya,waxaana shirka Maanta warbixino looga dhageysan doonaa,Wasaaradaha kala ah Amniga, Arimaha Gudaha,Kaluumaysiga iyo khayraadka Badda.

Sigaar ah ayaa kulanka waxaa Maanta  lagu Gorfayn doonaa xaalada guud ee Doorashooyinka Dowlad goboleedka Jubbaland, iyada oo ay jiraan walaac iyo cabashooyin kasoo yeeray Musharixiinta Madaxweynaha Jubbaland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading