Shir looga hadlayo qaadashada tallaalka COVID-19 oo lagu qabtay Gaalkacyo (VIDEO)

Waxaa maanta xafiiska wasaaradda caafimaadka Puntland ee Gobolka Mudug ka dhacay shir ay iskugu yimaadeen iskuduwayaasha wasaaraddaha dawlada ee Gobolkaasi sidoo kale waxaa joogay gudoomiyaha ururka dhakhaatiirta Puntland (PMA) iyo qaar kamid ah dhakhaatiirta gobolka iyo shaqaalaha wasaaradda.

Kulankaan ayaa looga wada hadlay sidii shaqaalaha dawlada iyo bulshadaba looga wada shaqayn lahaa inay talaalka qataan si loo yareeyo saamaynta xanuunku yeelanayo.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya iyadoo magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ay ka socdo talaalka Covid19 kaasoo laga helayo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka. Sidoo kale waxaa maalmihii ugu danbeeyay magaalada Galkacyo laga dareemayay inuu kor ukacay dadka laga helayo xanuunka ama udhimanaya.

Isuduwaha wasaaradda ee gobolka Abdinaasir Shiikh Ibraahim ayaa ka soo qaybgalayaasha la wadaagay dadaalka wasaaraddu ugu jirto in la xakameeyo fiditaanka xanuunka waxaana uu ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii bulshada gobolka loogu wacyigalin lahaa qaadashada talaalka.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading