Shir looga hadlayo xuduudaha Degmooyinka Puntland oo Garoowe ka furmay (Sawirro)

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ku qabatay kulan looga tashanayo daraasadda xuduudaha ee Degmooyinka Puntland.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamida Gudoomiyaasha Degmooyinka, Gobaladda, Xoghayaasha Dawladdaha Hoose, Isku-duwayaasha Gobalada, Masuuliyiin katirsan Dawladda Puntland, Bahwadaagta Wasaaradda, la-tiyaasha iyo shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo uu wehlinayo Agaasimaha Guud Maxamed Cali Jubba, ayaa si rasmiya u daah-furay kulankan looga tashanayo daraasadda xuduudaha ee Degmooyinka Puntland.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading