Shir Madaxeedka 38-aad ee Madaxda Wadamada Midowga Afrika,ayaa ka furmay Addis Ababa ee Xarunta Midowga Afrika.
Arimaha looga xaajoonayo,waxaa ugu waa weyn Doorashada Guddoonka cusub ee Midowga Afrika.
Shirka,ayaa soconaya Sabtda iyo Axada,waxaana lagu dooran doonaa Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Midowga Afrika,iyadoo Guddiga fulinta horayba loo doortay.
Xilka Gudoomiyaha,waxaa u tartamaya….
1.Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuti, Maxamuud Cali Yuusuf.
2.Ra’iisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Amolo Odinga.
3.Wasiirkii arrimaha dibadda ee Madagascar Richard Randriamandrato.
Musharrax walba,waxaa khasab ku ah in uu helo taageerada Saddex-meelood Labo Codadka Wadamada Qaaradda si uu Guushiisa uxaqiijiyo.
Xilka Guddoomiye ku-xigeenka waxaa isna u tartamaya Madax kasoo kala jeeda Dalalka kala ah……
1.Saalax Francis – Algeria.
2.Selma Malika – Algeria.
3.Maxamed Axmed Fatxi.
4.Masar, Hanan Morsy.
5.Masar, Najam M Elhajjaji.
6.Libya, Latifa Akharbach .
WWaxaaxusid mydan in ay jjiran Lix Wadan oo laga mamnuucay in ay ka qaybgalaan codbixinta, sababo la xiriira Afgambiyo iyo dagaallo sokeeye…
1.Niger.
2.Mali.
3.Guinea.
4.Gabon.
5.Burkina Faso.
6.Sudan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.