Shir madaxeedkii Jaamacada Carabta oo soo gabagaboobay

Shir Madaxeedkii 28 ee ururka jaamacadda carabta ee ka Socday Wadanka Urdun ayaa shalay galab waxaa lagu soo gabagebeeyey Magaalo Madaxda Waddanka Urdun.

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llahi Farmaajo oo ka mid ahaa Madaxdii ka hadashay Shir madaxeedka Jaamacadda carabta ee shalay lagu soo gabagabeeyey Wadanka Urdun ayaa ka warbixiyey  Fursadaha iyo Caqabaddaha horyaalo Dowladdiisa.

Madaxweyne ayaa sidoo kale Ka codsaday Madaxda Dowladdaha Carabta in ay ka dhabeeyaan isla markaana ay oofiyaan balamihii ay horay ugu qaadeen in garab istaagi doonaan Dowladda Soomaaliya si ay uga soo kabato dhibaatada iyo dib udhaca ay mudada Dheer kusoo jirtay.

 

 

Inta badan Dowladdaha Jaamacadda Carabta ayaa horay u balan qaaday in ay Dowladda Soomaaliya ka taageeri doonaan Dhanka soo kabsashada Dhaqaalaha iyo dib usoo celinta amniga guud ee dalka Soomaaliya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading