Shir u bilowday Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta

Waxaa goordhow shir uga bilowday Hotelka Decale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee DFS, Midowga Musharaxiinta, Madaxweynaha Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa daba socda kii Khamiisti ee is afgaradka ku gaareen labada dhinac, waxaana shirka maanta looga hadlaya arrimaha doorashada iyo sidii Xubnaha Midowga Musharaxiinta qeyb uga noqon lahaayeen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa inuu shir isugu yeero, martiqaadna u diro dowlad Goboleedyada, si Muqdisho loogu saxiixo qodobadii Baydhabo xalka looga soo gaaray.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading