Shirka amniga Deegaamada Jubaland Oo kismaayo ka furmay

Shirka Golaha Amniga dowlada Jubbaland ayaa maanta ka furmey Magaalada Kismaayo.
 
Shirka Golaha Amniga Jubbaland oo ah mid bille ah,ayaa waxaa ka soo qayb gala Madaxda ugu sarreysa Jubaland iyo Golaha Wasiirada Jubbaland iyadoona Warbixino looga dhagaysto Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Nabad Ilaalinta u Jooga dalka ee Amisom,iyadoo looga dooda qodabada iyo sida loo xoojin karo Ammaanka iyo dardar galinta howl-gallada lagu xoreynayo deegaanada ka maqan gacanta Jubbaland.
 
Madaxweyne ku-xigeenka Koowaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir Guddoominaya Shirka Golaha Amniga Jubbaland isagoo Warbixin ku aadan Xaalada Ammaan ee gobolka kaga dhagaysan doona Saraakiisha Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Howl-galka u jooga Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland.
 
Shirka inta uu socda waxaa lagu lafaguri doona Howl-galladii ugu danbeeyay ee laga sameeyay deegaanada Jubbaland kuwaas oo lagu beegsadey Malleeshiyaadka Argagixisada Al –Shabaab gaar ahaan Duqeymihii ugu danbeeyay ee lagu khaarijiyay qaar ka mid ah Horjoogayaasha Nabadiidka Al-shabaab.
 
Ugu danbayntii Shirkan ayaa furmaya Xili lagu wado in uu ku qabsoomo Shirka Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka Magaalada Kismaayo, iyadoona ay Magaalada soo wada gaareen dhammaan Wafuudii ka qayb gali lahayd Shirka Golaha Iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka oo ay Jubbaland marti galinayso markii 2-aad…

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading