Shirka amniga Qaranka Ee Baydhabo Oo laysku mari la’yahay qarkana usaaran in uu fashilmo

Waxaa Magaalada Baydhabo si rasmi ah uga socda maalinkii labaad shirweynaha amniga qaranka oo ay iskugu yimaadeen madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

Qodobka kali ah ee ilaa iyo hadeer isfahanka laga gaaray dhamaan qodobadii ilaa shalay laga doodayay,ayaa ah qaybsiga khayraadka dalka,waxaana udhigan yahay sidatan.

1.Wadaaga Kheyraadka Dalka.(Shidaalka):-

Arrimaha soo saarista shidaalka ayaa la isaga soo dhawaadey sida loo qeybsanayo haday noqon lahayd Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka.

 

Qodobada laysku mari la yahay ee taagan,ayaa kala ah:-

1.Amniga.

2.Habka Doorashada 2020

3.Siyaasadda

 

Hadaba dood iyo falanqayn kadib qodobada lasyku mari la’yahay mid mid ayaan usoo qaadanaynaa faahfaahintooda anagoo ugu hormarinayna qodobka Amniga Qaranka.

 

1.Amniga:-

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka,ayaa ka codsadey madaxda Dowlada Fadaraalka ah laba arimood,kuwaasoo kala ah.

B.in 174-kunteenar oo rasaas ah oo ay Dowladu xamar ku hayso loo qeybiyo Ciidamada Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka si loo xoreeyo deegaanada shabaabka gacantooda wali ku harsan.

T.In lacagaha magaca amniga ay ku heshay Dowlada Fadaraalka ee ku jira Bankiga Dhexe waaba haddii ay yaalaane la qeybsado si baahida ciidanka ee dhanka saadka loo daboolo.

Labadan codsi Farmaajo iyo kheyre way diideen illaa iyo haddana iyaga ayaa la tashi isugu maqan lagana war sugayaa.

 

2-Habka Doorshada 2020:-

Dowladda Fadaraalka,ayaa soo bandhigtey hab ka duwan kii hore oo loo marayo qabashada doorashada 2020,kaasoo la sheegey in ay ka qeybgali karaan shacabka iyo waliba qurbajoogta laakiin ay adag tahay suuro galinta habkaasi marka laga eego caqabadaha dhanka Amniga iyo dhaqaalaha,Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka oo loo qeybiyey nuqulada shaxda habkaasi ayaa laga sugayaa jawaab celintooda ku aadan shaxdan cusub.

 

3-Shirka Bruseless :-

Dowladaha xubnaha ka ah Dowladaha Fadaraalka,ayaa diidan in laga helo saxiix ay ku midaysan yihiin madaxda Somalida oo idil,saxiixaas oo ay ku xiran tahay tagida shirka Jun ee ka dhici doona Magaalada Brussels ee dalka Billjimka

Shirkaas oo dhamaaan madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka kuwada casuuman yihiin,hadii aan shirkan xal looga gaarina aysan Dowladaha xbunaha ka ah Dowlada Fadaraalka ka qaybgali doonin.

Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa ka digtoon in ay bixiyaan saxiix ay danahooda siyaasadeed iyo dhaqaale ku gaaraan kooxda Nabad iyo Nolol ee hada hagta Villa Somaliya,iyadoo lawada ogsoon yahay in dhawr jeer oo hore ay madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka kala kulmeen madaxda Fadaraalka balan ka baxyo isdaba joog ah.

 

4-Khilaafka Khaliijka:-

Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ayaa codsadey In Dowladu sameyso gudi dib u eegis ku sameeya Arrinta Khaliijka oo ay Dowladu dhexdhexaadnimadii ka baxdey si dib loogu fiiriyo go’aanka ugu haboon ee arrimaha Khaliijka.

Kheyre iyo Farmaajo,ayaa codsigaas ka madax adaygaya wali shirka oo socda maalinkiisii labaad.

Iyadoo codsigaasi uu taagan yahay,ayaa hadana waxaa uduulay saakay oo shirku socdo maalinkii labaad caasimada Dalka Qatar ee Dooxa agaasimaha Madaxtooyada Fadaraalka Fahad Yaasiin,waxaana muuqata in Farmaajo iyo Khayre aysan macquul noqon karin in ay go’aan kaligood ka gaaraan arinta khilaafka Khaliijka si looga daba tago go’aankii hore ee khilaafka dhaliyay.

Shirkan amniga qaranka ee Baydhabo ayaa u muuqda shir ay si xoog leh ugu kala aragti fog yihiin guud ahaan shirarkii u dhexeeyay Dowladda Fadaraalka ee uu hogaamiyo Farmaajo iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada fadaraalka ah.

Majirto illaa iyo hadda hal qodob oo la isla meel dhigay si rasmi ah, marka laga saaro qodobka qaybsiga khayraadka oo is fahan laga gaaray.

Dhanka kale wali waxaan si gaar-gaar ah isku hor fariisan Madaxda Dowlada Fadaraalka iyo Madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah,si gaar ah Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo oo waayahan aad ukala irdhoobay isma soo hor fariisan mana dhex marin wax wada hadal ah oo toos ah.

Farmaajo iyo Kheyre ayay xaaladu ku cakiran tahay waxayna ku jiraan xaalad rafasho ah maadaama qorshaha shirku yahay in galabta lasoo afmeero.

Dadka falanqeeya siyaasada Somaliya, ayaa u arka hadii shirku soo xirmo iyadoon wax heshiis lagu yahay aysan jirin ay dhabar jab siyaasadeed iyo fadeexad ku noqon doontaa madaxda Fadaraalka,si taas looga baaqsadana waa in ay madaxda Dowlada Fadaraalku ka sameeyaan tanaasul arimaha ay codsadeen madaxda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading